Dowlada Somaliya Oo Kahadashay Duqayntii Lagu Dilay Hogaamiyiihii Daacishta Somaliya

Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Dowlada iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay Hugaamiye ka tirsan Daacish.

Howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan degmada isku shuban ee Gobolka Bari.

Howlka oo dhacay 14-kii April ayaa lagu dilay hugaamiye kuxigeenkii Daacishta ka dagaalanta Soomaaliya oo lagu magacaabo
Cabdixakiin Dhoqob.

Ciidamada dowlada iyo saaxiibadooda Caalamiga ah waxeey u taaganyihiin in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku nastaan Cadawgu ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soobaxay Dowladda.

Dawladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe waxa ay sheegtay in ay dar-dargalinayso Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish.