Fahad Yaasiin oo raali-gelin ka dalbaday Xildhibaan weydiiyey ‘su’aal shaqsi ah+dhageyso

Kusimaha Taliyaha NISA ayaa aad uga carooday su’aal shaqsi ah uu weydiiyay mid ka mid ah Xildhibaanada oo lagu magacaabo Xildhibaan Zakariye Gaashaan, isagoo ka dalbaday Guddoonka inuu Xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay.

“Shaqo Hey’adda dhexdeeda ah in Xildhibaan aniga i weydiiyo runtii wax aan fiicneyn waaye, sidaas darteed aniga waxaa ii muuqata Hey’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal nuucaan la isku dhex weydiiyay, in Hey’adda iyo aniga shaqsiyan aan u qalmin, hadalkaas wuxuu gef ku yahay hey’adda Nabadsugida shaqsiyan aniga, markii la codsanayay in aan warbaahinta la keenin Baarlamaanka su’aalo ceynkan oo kale oo aan fiicneyn ayaa ka dhalan lahaa, Mudane waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudur daar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa”

 

 

Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad.

 

Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo.