Wasiir Ducaale Oo sheegay in dhawaan la soo magacaabayo taliyaha hay’adda NISA

Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya  oo shalay hortagay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabayo taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Hay’addan ayaa ku dhawaad 7 bilood wax taliye ah laheyn kaddib markii uu xilka iska casilay Xusseen Cismaan Xusseen oo xiligaa ku biiray musharixiintii u taagneyd xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa hadalka ka dhax sheegay Golaha kaddib markii la weydiiyay su’aal la xiriirta sababta ilaa waqtigaa hay’adda Nabad-sugida aysan u laheyn wax taliye ah.

Waxaa hadda jooga oo ku sime ka sii ah Fahad Yaasiin oo dhinaca kalana ah ku-xigeenka taliyaha hay’adda Nabad-sugida.