XOG:Jilaafada Dawlada Dhexe Ku Sameysay Axmed Madoobe & Kismaayo Waxa Ka Socda

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxaa jirta inuu doorashada Dhaceysa Afar bil kadib inay tahay mid aad uxamaasad badnaan doonin sida ay wax ku socdaan marka loo eego.

Axmed Madoobe inkastoo weli uusan shaac bixin in mar kale oo seddexaad inuu tartamo hadana waxa ololihiisa uu yahay mid si hoose ku socdo.

Warar Madax banaan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xasan Cali Kheyre ay Kismaayo Bilo ka hor ku gaareen in la sameeyo wadaag Doorasho ah,macnaha loola jeeday in la siiyo Xilka Qofka uqalmo,Axmedna lagu taageero in doorashada Augusto 15-keeda dhaceysa uu kusoo baxo.

Markii uu Axmed Madoobe tegay Bishii Hore Muqdisho Dhamaadkeedii waxa uu la kulmay Weji badelka madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya tiiyoo xitaa la sheegay in la isku dayey in Sidii Abu Mansuur Rooboow La xabiso.

Inkastoo Madoobe uu ciidan kala tegay Magaalada Kismaayo hadana waxa dad ku dhaw Ehelkiisa Siyaasadana ku jira ay sheegeen in isku daygaasi uu fashilmay.

Markii dambe ayaa isku soo dhawaanshiyo kale ay sameeyeen Kheyre iyo Axmed Madoobe waxaana lagu ballamay in Doorashadu noqoto mid daah furan oo Kor joogtada Caalamku noqdaan kuwo xaadira halka Doorashada ka dhaceyso,balse isaga ay dhinac walbo taageero siin doonaan.

Lacag ku dhaw Labo Milyan oo Dollar ayaa la sheegay in Axmed Islaam Madoobe uu ku bixin doonaa Doorashadaasi si uu usoo laabto xilli C/rashiid Maxamed Xiddig iyo Sheekh Shakuul oo Murashaxiin ah ay wacad ku mareen in Axmed Madoobe inuu soo laabto ay kasoo horjeedaan.

Xurgufta Siyaasadeed Ee Axmed Madoobe iyo Xildhibaanka Federaalka ku jira C/rashiid Xiddig waxay ka dhalatay markii Madoobe uu dhulka la jaray Xiddig markii uu isku sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Jawaari Markaas kusoo baxay.

Xaalka Jubbaland iyo Doorashadeeda waxaa mid aad usaameyn leh marka loo Eego Jufooyinka Ogaadeen Ee Kala Awood Sheeganaya dhinaca Madaxtinimadana isku garbinaya.

Qof Siyaasi ah oo Kismaayo jooga ayaa Taleefoonka inoogu sheegay in hadda ay Umuuqato Ku shubasho kale inay dhacdo,xilli Doorashadii Hore Axmed Islaam Madoobe uu Sameeyey Sheekh Shakuul oo ganacsade Kenya Deggana uu lacag Seddex Milyan Dollarka Mareykanka Ku dhaw siiyey,si uu u aamuso Kursigana uu ugu madax banaaneeyo.

15 Bisha 8aad Ee Sanadkaan ayaa loo ballansan yahay inay Dhacdo Doorashada Madaxtinimada Jubbaland oo kudhawaad 10 Murashax ay isku garbin doonaan.