Daawo vedio” Muqdisho oo Lagu Qabtay Wiil & Aabihii Dadka Dhici Jiray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Garoowe

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay degmada Wadajir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay Wiil iyo Aabihiis oo dhac ka geysanayay gudaha degmadaasi.

Cabdraxmaan Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in labada qof ee la soo qabtay ay ka tirsan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa magacyada raggaasi ku kala sheegay Cumar Qaboobe Xasan iyo Khadar Cumar Qaboobe oo labaduba ah Wiil iyo Abihiis.