DHAGEYSO”Maamulka Gobolka Banadir oo Sheegay in ay diyaariyeen ciidamadii sugi lahaa amniga Ardayda…..

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay Ammaanka goobaha Ardayda Soomaaliyeed ee kunool gobolka Banaadir ay ku gali doonaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha bulshadda gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay meelaha uu ka dhici doono imtixaanka iyo qorshaha gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegtay in dhowr xarumood oo kala duwan lagu gali doono Imtixaanka sidda horay u dhici jirtay Sanadyadii ugu dambeyay.

Basma Caamir ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir ay diyaariyeen Gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo 1600 oo Askari oo sugi doona Ammaanka goobaha lagu galaayo Imtixaanka.