Dhageyso:Maxoow Axmed Madoobe kayiri musharaxa malaayiinta dollar soo siisay dowlada dhexe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Buubaay dageenka Kismayao kadib markii uu maanta kasoo laabtay Shirkii Garowe.

Waxa uu qaatay Shir saxaafadeedkiisa kudhawaad 18 daqiiqo kagana Hadlay Xaalada Maamulka Jubbaland iyo natiijada Shirkii Garowe ka dhacay.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Labada Qodob Ee ugu weynaa ay ka qeyb aheyd Xeerka Shidaalka iyo Sharciga Doorashooyinka ayna Dawlada ka dhego fureysatay.

Waxa uu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in Taakada Dastuurka Soomaaliya Dhameystirkiisa qeyb ka tahay sidii loo heli lahaa wadahadalka Soomaaliland oo si cad loo wajaho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka dhigay inaysan marnaba dhici doonin wakhti kororsi ay doonayaan in ay sameeyaan,isagoo Eedeyn ujeediyey Madaxda ugu sareeya Dalka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland waxa uu soo hadal qaaday Shakhsiyaad ay Dawlada Dhexe Abaabushay oo doonaya inay Carqaladeeyaan Amniga Jubbaland isagoo dhinaca kale Axmed Madoobe ka hadlay Shaqaaqadii Khamiistii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.