Mucaaradka Iyo Militariga Dalka Suudaan oo Hishiisyo Hordhaca Kala Saxiixday

Madaxda Military-ga Wadanka Sudan ayaa ku dhawaaqay heshiis ay ka galeen isbaheeysiga mucaaradka kaasi oo ah Sedex sano oo kala guur ah laguna gaarayo xukun rayid ah.

Golaha ku meel gaarka ah ee Military-ga ayaa sheegay in Isbaheeysigu uu yeelan doono Sedex meelood laba meel kuraasta baarlamaanka.

Dalka Sudan waxaa maamulayay gole military tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Mudaharaadyadii keenay xilka tuuristiisa ayaa wali socda waxayna dalbanayaan in si buuxda xukunka gacanta loogu geliyo maamul rayid ah.

Saacado ka hor inta aan la gaarin heshiiskii ugu dambeeyay, ugu yaraan Shan mudaharaadayaal ah iyo xubin ciidanka amaanka ka tirsan ayaa ku dhintay isku dhacyo ka dhacay Magaaladda Caasimadda ah, ee Khartuum.